Suudaan oo cayrisay diblomaasiyiin, albaabadana u laabtay qunsuliyadii Itoobiya.

Thursday November 05, 2026 - 17:21:13
MeMO Staff
Suudaan ayaa albaabada u laabtay qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Qadaarif, isla markaana dalbatay in diblomaasiyiinta Itoobiya ee halkaas ka shaqaynayay ay si ka baxaan dalka.
Tallaabadan ayaa jawaab u ah go’aankiiii Itoobiya ay shalay ku xirtay qunsuliyadda Suudaan ee magaalada Assosa, iyadoo lix diblomaasi oo Suudaani ah ku amartay inay muddo 48 saac gudahood ah ay kaga baxaan dalka.

Xiisadda labada dal ayaa sii xoogaysatay kadib markii Suudaan ay Itoobiya ku eedaysay inay dhulkeeda u oggolaatay maleeshiyaadka RSF inay ka fuliyaan weerarro Drones ah oo lagu beegsanayo kaabayaasha rayidka ee gudaha Suudaan.

Dhanka kale, Itoobiya waxay Suudaan, Masar iyo Eritrea ku eedaysay inay taageeraan fallaagada Tigrayga ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa sidoo kale la sheegay in xiriirkoodu uu sii xumaanayo, iyadoo Itoobiya ay hore u xirtay safaaraddeeda Asmara, isla markaana 10 diblomaasi oo Eritrean ah ku amartay inay dalka kaga baxaan 48 saacadood gudahood.

Xiriirka Masar iyo Itoobiya ayaa sidoo kale aad usii cakirmay kadib markii dhawaan sidan oo kale is-weydaarsadeen eryidda diblomaasiyiin labada dhinac ah.

Related Items

Update cookies preferences